Garowe 12/Feb/2026 shirkadda Gaashaan Legal and Consultancy Services oo wada shaayn lala leh Dowladda Hoose ee Garoowe iyo Hay’adda caalamiga ah ee NRC – Norwegian Refugee Council ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay kulan wacyigalin sharci ah oo lagu daahfurayey olalaha wacyigalinta sharci ee Barakacayaasha Degmada Garowe kulankaas oo lagu qabtay kaamka barakacayaasha shabeele ee Degmada Garowe.
Ujeedka kulankaan ayaa ahaa in lagu daahfuro kulamo olole wacyigalin sharci oo loogu talagalay barakacayaasha Degmada Garowe si kor loogu qaado fahanka sharci iyo aqoonta sharci ee barakacayaasha ku nool degmada Garowe gaar ahaan xuquuuqaha hoyga dhulka iyo lahaanshaha hamtida .
Waxaa wacigalintaan ka faa iidaysaty in ka badal 100 qof oo isugu jira rag dumar iyo horjoogayaasha kaamamka Intii kulanku socday waxaa Qareenada shirkadda Gaashaan Legal and Consultancy Services la wadaageen ka soo qayb galayaasha fariimo wacyigalin sharci oo la xiriirta xuquuqda aasaasiga ah ee Barakacayaasha iyo xuquuqda la haanshaha hoyga ,dhulka iyo.hantida
Ugu dambayn, Guddoomiyeyaasha barakacayaasha iyo kasoo qaaybgalayaashuba waxay si wada jir ah uga mahadceliyeen Maamulka degamada Garowe hawlwadeenada shirkadda Gaashaan Legal iyo Hay’ada NRC oo iska kaashaday hirgalinta wacyigalintaan waxayna codsadeen in loo joogteeyo
Gaashaan Legal and Consultancy Services
Dowladda Hoose ee Garoowe
NRC – Norwegian Refugee Council








